Garoowe, October 8, 2024: Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisak Axmed Siciid oo uu
waheliyo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee
golaha shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee
Guddiga Joogtada ah #somalitiktok
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisak Axmed Siciid oo uu
waheliyo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee
golaha shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee
Guddiga Joogtada ah #somalitiktok
See translation
original sound - Puntland parliament
0 comment
You may like
Qeybta 2aad : hadal jeedinta gudoomiyaha golaha wakilladda mudane abdirisaq Ahmet said #somalitiktok
parliamentofpl
63
·12h ago Hadaljeedinta gudoomiyaha golaha wakilladda mudane abdirisaq Ahmet said #puntlandparliament
parliamentofpl
67
·12h ago FURITAANKA KAL-FADHIGA 56-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND Garoowe, 15 June 2025 – Waxaa si rasmi ah maanta uga fur-may magaalada Garoowe Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baari Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.
parliamentofpl
224
·16h ago Garoowe, 15 June 2025 – Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Garoowe Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, Diblumaasiyiin, hay’ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo horumarinta awoodda xafiisyada Golaha. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa Dastuuriga ah ku furay si rasmi ah Kal-fadhiga 56-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD – #puntlandparliament #somalitiktok
parliamentofpl
182
·17h ago Waxa hada so garey xaruunta dhexe ee golaha wakilladda gudomiye ku xigeenka 2aad ee barlamaanka mudane Mohamed mohamamud esse awoowe #somalitiktok
parliamentofpl
201
·22h ago Waxa hada xaruunta dhexe ee golaha Wakalada so harry Gudomiye ku xigeenka 1aad Mudane Mohamed Barri shire #somalitiktok
parliamentofpl
501
·22h ago Waxa hada xaruunta golaha wakilladda so garey gudoomiye abdirisaaq Ahmet said #somalitiktok
parliamentofpl
961
·23h ago Hordhac : hallka uu ka furmayo kalfadhiga 56aad ee barlamaanka dowladda puntland #somalitiktok
parliamentofpl
411
·23h ago MUUQAAL: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowlada Puntland oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.#somalitiktok #puntlandparliament
parliamentofpl
62
·3d ago Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada Puntland ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo looga arrinsanayay u diyaar garowga Kalfadhiga 56aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo dhowaan furmi doona. Kulanka oo uu guddoomiyay Agaasimaha Warfaafinta ee Golaha, ayaa waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo hufnaanta warbaahinta Golaha inta lagu jiro kalfadhiga, loogana faa’iideysan lahaa fursadaha tiknoolajiyadeed ee casriga ah si loo gaarsiiyo shacabka wararka iyo waxqabadka Golaha si hufan oo joogto ah. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay istaraatiijiyad lagu xoojinayo xiriirka warbaahinta gudaha iyo dibadda si loo helo hannaan wada shaqayn leh oo u adeegaya danta shacabka iyo daahfurnaanta howlaha Golaha. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa, Xildhibaan Maxamed Siciid Cali, oo ka mid ahaa ka qaybgalayaasha kulanka, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo warbaahin rasmi ah oo si hufan u tebisa howsha Golaha. Wuxuu sheegay in warbaahinta Golaha ay tahay halbowlaha xiriirka dadweynaha iyo baarlamaanka, loona baahan yahay in la horumariyo lana xoojiyo awooddeeda si shacabka Puntland ay si toos ah ula socdaan go’aamada iyo doorkooda wakiilladooda. Ugu dambeyntii, Xafiiska Warfaafinta wuxuu xaqiijiyay in uu diyaar u yahay buuxinta doorkiisa inta lagu guda jiro Kalfadhiga 56aad, iyada oo la adeegsanayo qalab casri ah, shaqaale xirfad leh, iyo qorshe hawleed waafaqsan himilada Golaha Wakiillada Puntland. #somalitiktok12 #somalitiktok
parliamentofpl
377
·6d ago Garoowe, 7 June 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, ayaa galabta magaalada Garoowe waqti kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda iyo masuuliyiin kale, isagoo la wadaagay farxadda maalinta labaad ee Ciidul-Adxaa. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Guddoomiyaha ku xoojinayo isdhexgalka shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda, wuxuuna fursad u noqday in laga wada hadlo arrimo la xiriira horumarka, nabadda iyo doorka shacabka ee dhismaha dowladnimada Puntland. Guddoomiye Hon. Abdirisak Ahmed Said ayaa bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, wuxuuna ugu baaqay in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo taageerada hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Puntland. #puntlandparliament #somalitiktok12
parliamentofpl
176
·6-7Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Abdirisaaq Axmed Siciid, oo uu Weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Ayaa Shacabka Caasimadda Garoowe Kula Tukaday Salaadda Ciidul Adxaa Garowe – Maanta oo ah maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Abdirisaaq Axmed Siciid, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Puntland ee Garoowe kula tukaday salaadda Ciidda Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare. Guddoomiyaha waxaa salaadda ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, masuuliyiin kale, saraakiil ka tirsan dowladda, iyo dadweyne tiro badan oo isugu yimid garoonka si ay u gutaan waajibaadka salaadda ciidda. #puntlandparliament #somalitiktok12
parliamentofpl
207
·6-6Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa Ummadda Islaamka, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.#puntlandparliament #somalitiktok
parliamentofpl
51
·6-5Soojinta Aragtiyo iyo Talooyin Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay – Kulanka Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay#puntlandparliament #somalitiktok
parliamentofpl
41
·6-4Garowe, 4 June 2025 —Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Bangiyada gaarka loo leeyahay, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta Hindise-Xeereedka Hay’adaha Maaliyadda. Intii uu socday kulanka, Bangiyada ayaa soo bandhigay aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan Hindise-Xeereedkan, kaasoo haatan maraya akhrintiisii labaad. Hindise-Xeereedkan waxa si rasmi ah gacanta ugu haya Guddiga si waafaqsan qodobka 58-aad, farqaddiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Kulanka waxaa uu daba socdaa kulan ay Guddigu horay ula yeesheen Maamulka Bangiga Dowlada Puntland. Wadatashigan wuxuu ka mid yahay dadaallada Golaha Wakiillada ee ku saleysan in la helo xeerar waxtar leh oo nidaamiya hawlaha hay’adaha maaliyadeed, korna u qaada hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee Puntland. DHAMMAAD – #somalitiktok #puntlandparliament
parliamentofpl
54
·6-4